Maxkamada Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay soo saartay awaamiir ku aadan Kiisaska Dacwooyinka ah ee lagu qaado Magaalada Muqdisho in aysan ka dhaqangaleyn deeganada maamulkaasi.
Sheekh Axmed Cabdulaahi Xuseen Fanax Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay Cabashooyin badan inay ka soo gaartay Bulshada deeganada Koonfur Galbeed oo ku aadan Dacwadaha Muqdisho lagu qaado.
Wuxuu sheegay Dacwad Muqdisho lagu qaado maanta kadib in aysan dhaqan galkeeda ka shaqeynayn deeganada Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in labo todobaad kadib la furi doono xarumaha Garsoorka deeganada Koonfur Galbeed oo hada kadib kiisaska dacwooyinka halkaasi lagu qaadi doono.


