Qaasim Axmed Rooble oo ah Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay sababtii loo xiray gabar la dhalatay Xildhibaan Muno Khaliif Abuu (Muna Kay) oo lagu soo eedeeyay inay u gacan qaatay Xildhibaan Luul.
Waxaa uu sheegay Afhayeenka Ciidanka in Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo ka dacwooneysa eedeysane Maryan Khaliif Abuu oo la dhalatay Xildhibaan Muna Kay ay u timid Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in Maryan Khaliif Abuu ay dhaawac culus ay gaarsiisay Xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka, islamarkaana markii damaanad lagu sii daayay ay isku deyday in ay ka baxsato Magaalada Muqdisho, islamarkaana laga soo xiray garoonka Aadan Cadde Markale.
Xildhibaanad Muna Key oo ah walaasha Gabadha la xiray ayaa baahisay Muuqaal ay ku sheegtay in ay ka Cabaneyso Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo walaasheyd ku xiray caddaalad daro.



