Muqdisho-RisaalaFM- Ciidanka loo yaqaano taraafikada ee ka shaqeeya Ilaalada Wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo Gaadiidka ayaa shaqada hada ay qabtaan waxa ay tahay mid ku kooban maalinkii oo kaliya.
Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkaa Ciidamo Taraafiko ah, kuwaas oo maalinkii shaqeeya, waxaana Gaadiidka iyo Mootooyinka ay weydiiyaan sharciga wado marista iyo kaxeynta Gawaarida.
Taliyaha Ciidanka Taraafikada Cali Maxamuud Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Ciidanka Taraafikada in ay yihiin kuwo aanan hubeysneyn, oo awood badan aysan u laheyn in ay xilliyada habeenkii ay shaqeeyaan.
Inta badan Ciidanka Taraafikada ayaanan lagu arkin wadooyinka Magaalada Muqdisho wixii ka dambeeya xilliga Maqribka, mana jirto Ciidamo maareeya habeenkii Gawaarida shilka ku gala wadooyinka Muqdisho.



