Gaalkacyo-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii Gaalkacyo, kuwaas oo ku jira Isbitaalada ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.
C/wali Gaas booqashadiisa waxaa ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, Maamulka Gobolka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.
Madaxweynaha Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay dhamaan dhaawacyada ku jira Isbitaalada Magaalada Gaalkacyo xaaladooda in ay wanaagsan tahay, oo aysan jirin dhaawacyo xaaladooda ay aad u daran tahay.
Waxa uu u duceeyay dhamaan dadkii ku geeryoodey Dagaalkii Gaalkacyo, isagoo Alle uga baryay in uu Naxariista Jano ka waraabiyo.
Ugi dambeyntii Madaxwaynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Ciidanka Amaanka amray in ay sugaan amniga, si looga hortago falalaka amni daro ee mararka qaar ka dhaca Degaanada Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa maalmahan ku sugnaan doona Magaalada Gaalkacyo, isagoo la kulmaya waxgaradka oo ay ka wada hadlayaan arrimaha asaasiga ah ee ka jira guud ahaanba Gobolka Mudug.


