Wasiir Jangali oo ku guuleystay kursiga Baarlamaanka

Garowe-RisaalaFM- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangali) ayaa ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee xildhibaanada ka imaanaya Degaanada Maamulka Puntland, kadib markii uu ka adkaaday Musharaxiintii uu la tartamaayay.

Cali Axmed Jaamac (Jangali) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa helay codad gaaraya 30 cod, waxaana uu ka guuleystay Jaamac Xasan Khaliif oo la tartamayay.

Wasiirka Jangali ayaa ka mid noqday Xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Puntland.

Doorashada Aqalka Hoose ayaa weli waxa ay si habsamio leh uga socotaa Magaalada Garowe, waxaana ay yihiin kuwo xiiso leh.