Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta waxaa uu garoonka diyaaradaha ee Kanoonoko ee duleedka Garoowe ku soo dhoweeyey wafdi balaaran oo ka socdey urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD Ambassador Maxbuub Macallin.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in IGAD Puntland masaariic dhowr ah ka fulisay isla markaana ay maanta u yimaadeen in ay sii xoojiyaan dardar gelinta mashaariicdaasi iyo hirgelinta mashaariic kale oo cusub oo ay kamid tahay dhammaystirka wejigii labaad ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso,
Ambassador Maxbuub ayaa sheegay in dhamaystirka wejiga labaad ee garoonka caalamiga ah ee Boosaaso ay bilaabi doonaan bisha April ee fooda inagu soo haysa.



