Iyadoo biyo la’aan laga dareemay wabiga Shabeele oo mara deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolada koofurta dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya warar ku saabsan biyo xereeno dowlada Soomaalida Ethiopia ay ka sameysay gobolka Shabeele oo ka tirsan dhulka Kililka Shanaad.
Madaxweynaha maamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in dad kumanaan ah oo ku nool deegaankaasi ay helaan biyo ay ku waraabsadaan beerahooda muddo sanado badan ah kadib.
Wuxuu sheegay in mashruuca biyo xereenka uu gaarayo ilaa afar biyo xireen, lana doonayo in dadka ay ka faa’ideystaan.
Mid kamid ah dadka deegaanka biyo xireenka loo sameeyay ayaa xaqiijiyay in wabiga Shabeele uu yahay wabiga biyo xireenka lagu sameeyay.
Wuxuuna sheegay in kumanaan Soomaali ah ay ku tiirsanaayeen wabigaasi iyaga oo ay ka ooman yihiin Soomaalida Ethiopia ay maamusho,sida uu hadalka u dhigay.


