Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta magaalada Beledweyne kula kulmaya odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan, maadaama xalay uu seexday magaalada Beledweyne.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa uu maanta kulamo la qaadanayaa odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan, isaga uu kala hadlayo arimo ku aadan waxyaabaha keenay iney odayaasha dhaqanka ka caroodaan shirka ka furan magaalada Jowhar ee maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Nabadoon Dacar Xersi Xooshow oo kamid ah nabadoonada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in kulanka maanta diirada lagu saari doono sidii loo qancin lahaa odayaasha dhaqanka ee Hiraan.
Sidoo kale wuxuu sheegay iney ku faraxsan yihiin in ra’iisul wasaaraha dalka uu tago magaalada Beledweyne, iyaga oo kala hadlaya waxyaabaha ay tabanayaan ooku aadan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.


