Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hada waxa uu fursad u heystaa wax ka yar 30 maalmood soo dhisida xukuumada cusub, taas oo laga doonayo in mudadaas gudaheeda uu ku horgeeyo xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.
Waxaa sidoo kale isla xilligaas Ra’iisul Wasaraaha laga sugayaa qorshaha Barnaamijkiisa siyaasadeed ee xukuumada, Hadaba waxyaabaha isweydiinta mudan ayaa ah sida uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u maareyn karo caqabadaha horyaala ee u baahan ka gudbista taas oo ka imaaneysa dhinacyo kala duwan.
Waxaa kaloo iyana jira saameynta muuqata iyo taan muuqan ee jaangoynta siyaasada dalka ku leeyihiin Maamul Goboleeyada dalka ka jira oo wax badan loo arko in ay wax ku meel mari karaan raali ahaanshahooda.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxaa horyaala qancinta xildhibaanada laga sugayo in ay ansixiyaan Wasriida oo laftigooda la hadal haayo in ay xusul duub ugu jiraan ka muuqashada liiska Golaha Wasiirada cusub.
Waxaa sidoo kale iyana budo gooni u tuman ah saaxiibo badan oo ku dhow Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaraaha, kuwaasi oo heysta balan qaadyo ah ka mid noqoshada Golaha Wasiirada, oo qaarkood laga yaabo in lala galay heshiisyo siyaasadeed.
Siyaasiga Cabdi Barre Jabriil oo la hadlay Risaala ayaa ka hadlaya waxyaabaha wiiqi kara in ay ku guuleysato xukuumada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
W/D:- Mohamed Abdi Ali


