Garasbaaley-RisaalaFM- Waxaa duruufo adag ay soo wajahday Dadkii ka soo barakacay Abaaraha ka jira Gobolada Dalka, kuwaasi oo markoodii hore ahaa xoolo dhaqato iyo beeraley halkaasi ku noolaa, iyadoo Abaartii dhacday ay sababtay in ay Magaalada u soo hayaamaan.
Dadkan oo ku nool Duleedka Muqdisho gaar ahaan Degaanka Garasbaaley ayaa waxa ay qaarkood ka soo lugeeyeen masaafooyin aad u fog, waxaana ay isugu jiraan caruur, Haween iyo dad Da’ah.
Dadka qaar ee soo barakacay ayaa waxa ay sheegeen in Saddex berri oo xiriir ah aysan cunin cunto, sidoo kalena qaar ka tirsan Eheladooda ay ku geeryoodeen intii lagu guda jiray safarkii ay ku imaanayeen Degaanka Garasbaaley.
Waxa ay sheegeen xaalada hada ay ku sugan yihiin in ay tahay mid daran, oo aan la isku fiirsan karin, iyagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada Hoose, Hay’adaha gar gaarka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay la soo gaaraan gar gaar deg deg ah, si ay uga baxaan nolosha cakiran ee ay hada ku sugan yihiin.
XIGASHO: HORN CABLE TV


