DHAGEYSO: Baaq loo diray shacabka Boosaaso

Boosaaso-RisaalaFM- Maamulka Gobolka Bari ayaa shacabka Magaalada Boosaaso ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Deganaanshaha Magaaladaasi, maadaama amniga Magaalada Boosaaso maalmihii ugu dambeeyay u muuqday mid faraha ka sii baxayay.

Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) Guddoomiyaha Gobolka Bari oo ka hadlayay amniga Magaalada Boosaaso ayaa waxa uu sheegay shacabka Boosaaso iyaga in ay nabad gelyada muhiim u tahay, lana doonayo in ay ka shaqeeyaan Deganaashaha Magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) ayaa shacabka Magaalada Boosaaso ugu baaqay in dhagaxaanta ay ku jareen wadooyinka qaar ay ka qaadaan, sidoo kalena ay ka shaqeeyaan nabad gelyada Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wixii ka dambeeyay markii Ciidamada amniga ee Magaalada Boosaaso ay xireen Nabadoon C/qaadir Xarago oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Bari ayaa waxa isa soo tarayay shaqaaqooyinka iyo dibadbaxa ay sameynayaan shacabka, kuwaas oo ka xun xariga Nabadoonka.