Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xayiraadda Dowladda Somalia ay saartay Jubbaland ay tahay sharci-darro, isla markaana baalmarsan dastuurka dalka iyo awooda uu siinaayo Maamul Goboleedyada .
Madaxweyne Deni oo kamid ah Madaxda lagu casuumay Xafladda Caleema saarka Madaxwaynaha Jubbaland balse ay saameysay xayiraada la saaray duulimaadyadii Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in mooqifkiisa aysan waxba iska badali doonin uuna ka qayb-gali doono Caleema saarka Axmed Madoobe.
Isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayaa waxa uusheegay in awoodda Dowladda aysan ahayn Dukaan qof leeyahay oo uu siduu doono u maamusho,isla markaana lagula dagaalin ray’igiisa siyaasadeed.



