DHAGEYSO: Dowladda oo dhiiragalinaysa ganacsiga gaarka ah

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiiragalinayso ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo sidoo kale guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin in ay hormariyaan ganacsiga dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayuu Madaxweyne Xasan in ay garab taagantahay ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Waxaa uu sheegay in ganacsatada looga baahanyahay in ay ka qeyb qataan hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka uu sheegay in ay dalka muhiim u tahay.