DHAGEYSO: Maamulka Gobolka Jubbada Hoose oo sheegay inay la xisaabtamayaan hay’adaha Samafalka

Gudoomiyaha gobolka jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdulaahi Gooni ayaa la kulmay dhowr hay’adood oo ka howlgala magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in maamulka gobolka Jubbada Hoose in ay ogaadaan shaqada ay hay’ada samafalka ka hayaan gobolka Jubbada Hoose.

Waxa uu sheegay in ay jiraan hay’ado badan oo ka shaqeeya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo uu sheegay in aysan jirin wax ay u qabteen bulshada kunool gobolka Jubbada Hoose.

Gudoomiyaha gobolka jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdulaahi Gooni ayaa sheegay in ay la xisaabtami doono hay’ad walba oo samafal taasoo ka shaqeysa gobolka Jubbada Hoose.