DHAGEYSO: Wasaarada Haweenka oo sheegtay in loo baahan yahay in la muujiyo doorka Haweenka

Wasiirka wasaarada haweenka  ee dowladda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay raadsadaan qoondada loogu talagay in ay ku yeesheen dowladda cusub ee la soo dhisaayo.

Wasiirka ayaa sheegtay in ay haboontahay in la ilaaliyo qoondada ay leeyihiin haweenka  Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Waxa ay sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay u midoobeen in sidii ay dowladda cusub ee lagu wado in ay dalka ka dhalato dabayaaqa sanadkaan in ay ka helaan xubnaha ay ku leeyihiin.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa dowladda Soomaaliya waxay u qoondaysay in ay ku yeesheen dowlad walba 30  boqolkiiba.