Cabdirashiid Maxamed Axmed wasiirka Wasaarada warshaddaha iyo Ganacsiga ee dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka fiirsadaan badeecooyinka ay keenya Soomaaliya.
Wuxuu sheegay wasiirka inay muhiim tahay in la ilaaliyo tayada badeecadaha la keenayo dalka.
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay wasiir Cabdirashiid in ay la socon doono badeecooyinka laga soo dajiyo Dekeda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay badeecooyin dhacay oo loo waday gobolka Gedo.


