DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay qaraxii Fiisho Taraafiko

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qaraxii saakay ka dhacay xarunta ciidanka ilaalada wadooyinka ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh maxamuud ayaa Shabaab ku eedeeyey in beegsadaan meelaha ay dadka Shacabkaa isku yimaadaan iyo xarumaha loogu adeego bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya sheegay in dhacdii saakay ay tahay mid   laga naxo.

Labo ruux oo watay gaari yar oo Kaarib ah ayaa mid ka mid ah oo kaxeynaayay gaariga wuxuu isku qarxiyay Afaafka hore ee xarunta Visha Taraafiko, iyadoo ruuxii kale isaga oo cararaya gudaha u galay xaruntaasi.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa la xaqiiyey in ay ku dhinteen ku dhawaad 5 qof oo labo ka mid ah ay yihiin dadkii is qarxiyey, halka 3 kalana ay ka tirsan yihiin ciidanka ilaalada wadooyinka waxaana ku dhaawacmay tiro dad ah gaaraya 10 ruux.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay qaraxii ka dhacay xarunta ciidanka ilaalada wadooyinka ee Muqdisho