DHAGEYSO: Ciidamada ammaanka oo gacanta ku soo dhigay rag dil ka geystay Muqdisho

Ciidamda ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay rag dil u geystay dad shacab oo ku sugnaa degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir .

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen ragga dilka geystay oo watay bastoolado.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay  in ragga dilka geystay ay wateen mooto ayna ku baxsadeen markii ay dilka geysteen laakiin ay gacant aku soo dhigeen ciidanka ammaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in hada raggaas gacanta lagu haya ,islamarkaana cadaalada la horkeeni doono.