DHAGEYSO: Madaxweynaha oo ka qeyb galay tukashada Salaada Janaasada Marxuum Burci

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo dhowaan ku dhintay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Todobaadkan gudahiisa Hotel Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa salaadda jannaasada kadib mid mid u gacan qaadey ehelada iyo qoyska marxuumka, isagoo mar kale uga tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Burci oo sidoo kale ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Degaanka.

Waxaa sidoo kale tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Burci Maxamed Xamza ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dowladda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale.

Salaada janaasada kadib ayaa marxuum Burci Maxamed Xamza meydkiisa waxaa loo qaaday magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose si halkaasi loogu aaso.

Allah u naxariistee Marxuum Burci Maxamed Xamze ayaa ku geeriyooday weerar ay ururka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naaso Hablood 1ee magaalada Muqdisho.