Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed meelo walba oo ay joogaan munaasabada ciida owgeed.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay midoobaan ,islmarkaan ay ka shaqeeyaan hormarka dalka iyo diinta.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay umadda Soomaaliyeed in ay sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad, horumar iyo cadaalad.
Waxaa uu dhammaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan nabada iyo horumar dalka.


