DHAGEYSO: Xukuumadda oo hambalyo u dirtay ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul wasaaraha  dowladda  Soomaaliya  Cumar Cabdirashiid Cali ayaa hambalyo u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed meelo walba oo ay joogaan munaasabada ciida owgeed.

Ra’iisul wasaaraha dowladda  Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay midoobaan ,islmarkaan ay ka shaqeeyaan hormarka dalka iyo diinta.

Cumar Cabdirashiid Cali ayaa u rajeeyay umadda Soomaaliyeed  in ay sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad, horumar iyo cadaalad.

Ra’iisul wasaaraha dowladda  Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay bilaabaan dagaal ka dhan ah Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaatto ku hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa uu dhammaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan nabada iyo horumar dalka.