Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadka saluugsan heshiiskii ay wada gareen dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu la wadaagi doono dareenka iyo tabashada ay mujinayaan dadka saluugsan heshiiska laakiin uu sheegay in la diiwaan galiyay waxyaabaha ay ka tabanayaan dadkaasi.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay hore ay uso gaaren go’aano qaraar oo aad u adag laakiin waxa uu ku taliyay in la dar dar galiyo wax qabadka la iskuna dalqaato sida uu sheegay Madaxweynaha.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa shegay in hadii madaxda Soomaalida ay tashan weydo in ay dhici karto in fara galin lagu sameeyo siyaasada dalka.
Shalay ayey aheyd markii uu Madaxweynaha uu hor tagay Baarlamanka Soomaaliya oo loo qeybiyay heshiiska oo Xildhibaanadu ay dib u eegis ku sameeyeen ayaa waxaa la filayaa in ay meelmariyaan heshiiska Doorashada 2016.


