Madaweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Booqasho rasmi ah jooga dalka Mareykanka, ayaa xalay khudbad ka jeediyay Machadka Caalamiga ah ee Nabada magaalada Washington.
Khudbadda Madaxeyne Xasan Sheekh Waxa uu ku Sharaxay Xaaladda Soomaaliya iyo Hormarka dowladda ay ka gaartay dhinacyada Siyaasadda, Ammaanka dhismaha Dowlad gobaleedyada iyo Doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka uu ugu baaqay in aysan xilligan fara galin ku sameyn siyaasada Soomaaliya.
Waxaana uu sheegay in hada la soo gaaray xilligii dadka Soomaaliyeed ay siyaasadooda uga hadli lahayeen, maadaama beesha caalamka sanadihii ugu dambeeyay ay hormuud ka aheyd siyaasada Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay VOA-da ayaa la weydiiyay cida damaanad qaadeysa dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhimatay bada, waxaana uu ku jawaabay in arimahaasi ay keeneenn daruufaha dalka Soomaaliya ka jira.
Machadka Caalamiga ah ee United States Institute of Peace ee magaalada Washington waa Machad ay Khudbadaha ka jeediyaan Madaxda Caalamka, iyadoo dad badan oo Soomaali iyo Ajaanib isugu Jirta ay soo dhaweeyeen khudbada madaxweynaha Soomaaliya.


