Waxaa Maanta Aas Qaran Magalalada Muqdisho loogu sameeyay alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka kaas oo shalay Gelinkii dambe lagu dilay Xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir.
Meydka Xildhibaanka ayaa waxaa Salaada Janaasada lagula dukaday Masjidka Madaxtooyada,iyada oo markii dambe lagu Aasay Khabuuraha Isbitaalka Madiina,waxana ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdillaahi,Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad,Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa marka hore ka tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Cismaan Cimi Boqore,isaga oo ka sheekeeyey xilalkii uu soo qabtay iyo dowladihii uu la soo shaqeeyey.
Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa sheegay in Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore uu ahaa Shaqsi u soo dhabar adeegay u Shaqeynta Qaranka,isla markaana sanadkii 2016kii Magalada Muqdisho lagu dilay Wiil uu dhalay,waxana uu uga tacsiyadeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tegay.
Guddoomiyaha Guddiga difaaca Golaha Shacabka oo ay ka wada tirsanaayeen Guddigaas Xuseen Carab Ciise ayaa dhankiisa sheegay in Cismaan Cilmi Boqore uu yaraantiisii ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka,isla markaana darajadiisa ay gaartay Gaashaanle,waxaana uu dalbaday in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay dilkiisa.
Si kastaba markii shalay Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa waxaa ka tacsiyadeeyey Madaxda ugu sareysa dalka,Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kuwaas oo aad uga naxay,waxaana dilkiisa sheegtay Ururka Al-Shabaab.



