DHAGEYSO: Maamulka Xudur oo waxyaabaha qarxa soo qabtay

Deegaanka lagu magacaabo Garas weyne oo hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa wararka inaga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay halkaasi ka sameeyeen howlgal waxaana ay ku soo qabteen walxaha qarxa oo la dhigay  saldhiga deegaankaasi.

Waxaana howlgalkan lagu ogaaday markii la arkay in gasac lagu dhex arkay Miino oo yaallay meel u dhow saldhiga.

Gudoomiyaha deegaankaasi Garas weyne C/laahi Cali Weedow ayaa Idaacadda Risaala uga waramay qaabka uu howlgalkaasi uu u dhacay.