Goolhayaha Juventus Gianluigi Buffon ayaa jabiyay rikoorka shabaqa ilaalinta Horyaalka Serie A.
Goolhayahan 38-sano jir ah ayaa u baahnaa kaliya saddexdii daqiiqo ee ugu horeysay kulanka derby ay kooxdiisa la ciyaareyso Torino in aan gool laga dhalin, taasoo la micno ah in uu jebiyey rikoorkii Sebastiano Rossi ooh ore 929 daqiiqo oo xiriir ah aan gool looga dhalin Kasoo uu dhigay 1993 -94.
Buffon ayaa orod cajiib ah ku bilowday January 10, markasoo goolkii ugu dambeeyay uuu ka dhaliyay Antonio Cassano oo katirsan Sampdoria daqiiqadii 64 –aad.
Si kastaba ha ahaatee, goolhayaha halyeeyga ah ayaa doonaya inuu jabiyo rikoorka adduunka golhayayaashooda gaar ahaan Vasco da Gama oo 1.816 daqiiqo 1977-78.


