DHAGEYSO: Maamulka Tiyeeglow oo ka hadlay xaalada guud ee degmada

Wararka ka imaanaya degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka jiraan xaalado caafimaad daro oo waxyeelo ugeystay dadka iyo duunyada halkaasi ku nool.

Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Food Cadde oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uuu ka warbixiyay xaaladaha caafimaad daro ee degmada Bakool, iyadoo uu sheegay in boqolaal qof ay ay caafimaad daro ujiifaan isbitaalada Magaalada.

Dhanka kale maamulka degmada Tiyeeglow ayaa waxa ay sheegeen in wali aysan wax gar gaar ah ka helin wasaaradda caafimaadka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxaa in muddo maamulayay ururka Al-shabaab ah, iyadoo ay kadib la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.