DHAGEYSO: Maamulka Hiiraan oo dowladda ku eedeeyay in ay ka sii jeedo dhismaha Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha bulshada oo haatan ku sugan magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in ay aheyd maamulkan dhismihiisa in xilli hore la dhamaeystiro, iyadoo uu sheegay in khilaafaadyo hoose ay jireen.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay ka sii jeedaan dhismaha maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sheekh Xuseen oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in maamulkan ay dhisto ka hor inta aan la gaarin Bisha Agoosto.