DHAGEYSO: Maamulka Garbahaarey oo ka hadlay amaanka degmadaasi

Garbahaarey-RisaalaFM- Maamulka degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo oo kulan la qaatay bulshada ku dhaqan magaaladaasi ayaa waxa ay ka hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa amaanka guud ee degmada.

Bulshada ku dhaqan degmada Garbahaarey ayaa loogu baaqay in ay soo gudbiyaan Macluumaadka ku aadan falalka amni daro ee ka dhaca magaalada kuwaa oo mararka qaar ay geystaan ururka Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Garbahaarey Nuur Sheekh Maxamuud ayaa wariyeyaasha u sheegay in shacabka iyo maamulka Garbahaarey ay isku afgarteen in laga wada shaqeeyo amaanka magaalada, si looga hortago falalka amaan daro.

Maalmihii la soo dhaafay degmada Garbahaarey waxaa ka dhacayay Qaraxyo iyo dilal qorsheysan kuwaas oo lala beegsanayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah.