DHAGEYSO: Maamulka Galmudug”xuriyadooda ayaan u soo celin doonaa ajaanibta la haysto”

Maxamed Aadn Cusmaan oo loo yaqaano Masagawaa oo ah wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in haatan ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in dad ajanabi ah oo lagu haysto deegaano ka tirsan maamulka Galmudug ay si xoog ah kusoo furtaan.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan xogo ay hayaan oo ku aadan dadkaan deegaanada lagu haayo iyo waliba dad xiriir la leh dadka gacanta ku haya kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ka soo qabtaan kooxaha afduubka u haysta dadka ajanabiga ah ee ku sugan deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Masagawaa ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulka Galmudug uu san raali ka noqaneynin in dad ajanabi ah lagu haysto deegaanadiisa.

ciidamada maamulka Galmudug ayaa shalay si xoog ah kusoo furtay nin u dhashay dalka Kenya kaas oo mudo Shan iyo Toban bilood ah isaga iyo Haweenay kale lagu haystay deegaano katirsan gobolka Galgaduud inkastoo ciidamada aysan ku guuleysan Haweenaydii lala soo afduubtay ninkan in ay soo furtaan.