DHAGEYSO:Maamulka G/SH/Dhexe”meel wanagsan ayuu marayaa shirka maamul dhisida gobolada Hiiraan & SH/Dhexe”

Axmed Meyre Makaraan gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka SH/Dhexe dhexe ee dhinaca siyaasadda iyo amniga oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in meel hagaagsan uu marayo qorshaha shirka maamul u samaynta labada gobol Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Axmed Meyre ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay jirto isku sooo dhowaansho ku aadan odayaasha ka qayb galaya shirka kuwaas oo markii hore ku kala qaybsamay awood qaybsiga beelaha ka qayb galaya shirkaas oo wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka ay soo bandhigtay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay rajada laga qabo in markale uu furmo shirka maamul u samaynta labada gobol Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayuu sheegay makaraan in ay tahay mid aad u wanaagsan ayna suurtagal noqon karto dhowaan in markale magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe uu ka furmo shirkaasi sida uu sheegay.