Maamulka degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay amaro dhawaan ka soo baxay maamulkooda ee ku aadan ciribtirka geedaha ku yaalla wadooyinka iyo xaafadaha degmada gaar ahaan geedka loo yaqaano “ Cali Garoobka”, iyo arrimo kale oo la xiriira amniga degmada.
Gudoomiyaha degmada Heliwaa Mudane Maxamed Axmed Xaashi “ Qoslaaye” ayaa ugu horeyn warbaahinta ugu warbixiyay halka uu marayo howlgalka loogu soo horjeedo geedka loo yaqaano Cali Garoobka iyo waxyaabihii ka dhaqan galay go’aanadii la xiriiray.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in dhamaan shacabka ku nool degmada Heliwaa ay u gudbiyeen fariimo ku aadan in ay iska jaraan gedaha guryahooda hortooda ku yaalla iyo wadooyinka soo gala xaafadahooda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku amreen shacabka degmada in guri walbo hortiisa lagu dhajiyo nal si ay degmada u wada iftiinto oo aan ugu soo ganban cadowga iyo tuugada habeenkii xaafadaha degmada dhex socdo.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in 1,000000 { Hal Malyan} oo Shillin Soomaali ah lagu ganaaxayo cidii u hogaasami weydo amarada maamulka degmada Heliwaa ee ku aadan in la iska jaro geedaha gaar ahaan.
Gudoomiyaha degmada Heliwaa Mudane Maxamed Axmed Xaashi “ Qoslaaye” ayaa sidoo kale ka hadlay go’aano ay ka soo saareen boosaska banaan ee aan cidiii lahayd aan dhisan iyo guryaha laga maqan yahay oo aan la deganeyn.


