Manchester City ,ayaa kulankan ciyaartay iyadoo dooneysay in ay soo nooleyso hamigeda xoojinta booska Afaraad,
Ciyaarta ayaa ku bilawatay si adag, waxaana labada dhinac ay miijiyeen dadaaalo dheeri ah.
kubadaha dhaa-dheer ee kooxda martida loo ahaa, ay ka sameyneysay garoonka Carrow Road, tasoo cabsi badan galisay kooxda City.
Martin durko ayaa ka badbadiyay meel 40 yards ujirta goolka kubad xoogan Silva, laakiin kubadda ayaa umuuqatay qalad uu fasaxay garsoore Jon Moss .
8: daqiiqo Silva kubad toos ah u taabtay Aguero, kaasoo taabashada ugu dambeeeyay uu ka badbaadiyay Martin oo katirsan Norwich.
13: daqiiqo waxaa kaarkii jaalaha ugu horeeyay qaatay Bennett, oo gudaha u galay Silva. Xiddiga Spain ayaa dhawac uu ku sigtay inuu soo gaaray.
16: daqiiqo SAVE! dadaal weyn oo uu sameeyay Aguero ayaa waxaa is hortaagay Ruddy. Silva ayaa markale koorno uu geeska ka keenay waxa ku guuldareystay inuu madax ku dhaliyay Kompany.
Qeybta hore ayaa soo dhamaatay, labada koox uma suura gelin in ay wax gool ah iska dhaliyaan.
qeybta labaad ayaa la isku soo laabtay Manchester City oo xoog iska raadineysa si ugu yaraan ay gool u dhalisaa.
Lakiin isku dayada labada koox qeybta labaad waxba kumasoo kordhan waxaana guud ahaan ciyaarta ay kusoo dhamaatay 0-0.


