DHAGEYSO: Maamulka Bay “bulshada waa in ay qeyb ka qaataan hormarada ka socda gobolka”

Gudoomiyaha gobolka Bay ee maamulka Koonfur Galbeed C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa shacabka ku nool deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay hormarada dar darta ku socda ee ka soconaya deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaana uu sheegay in qof kasta muwaadin ah oo ku nool deegaanada maamulka deegaanada Koonfur Galbeed laga doonayo door in uu ka qaato sidii loo hormarin lahaa deegaanada Koonfur Galbeed.

Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay oo hada xarun u ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka socda dib udhis kala duwan iyo dayactir wadooyinka lagu sameynayo.

Waxaana maamulka uu uga gol leeyahay in bilicda magaalada la qurxooneysiiyo sidoo kalena bulshada kaalin ay ka qaataan dib udhiska deegaanadaasi ka socda.