Daawo Sawirada: Guddiga doorashooyinka Puntland oo la dhaariyay

Guddiga doorashooyinka maamulka Puntland oo ka kooban 9-xubnood islamarkaana uu dhowaan cod Aqlabiyad leh ay ku meel mariyey Baarlamaanka Puntland ayaa maanta waxaa lagu dhaariyey xafiiska Madaxweyne ku-xigeenku uu kuleeyahay madaxtooyada  Puntland.

Axmed Maxamed Cali ayaa loo doortay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland.

Munaasabadda dhaarinta guddiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyha golaha Wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubin ka socotey Maxkamadda sare.

1 2 3 4- 5 6 7