DHAGEYSO: Maalinta ciidanka xoogga oo la xusaayo.

Munaasabada sanadguurada 56 aad ee ka soo wareegtay Aas aaskii Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeeed 12 April ayaaa  maanta lagu wadaa in lagu qabto magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo waliba Qaar ka mid ah gobolada dalka .

Ammaanka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayan adkeynta Amniga.

 

Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa saakay xiray qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn muqdisho,waxaa la arkaya dadka oo wadooyinka raxan raxan u socda.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta u dabaal dagaya markii la aas aasay oo aheyd Sanadkii 1960-kii.