DHAGEYSO: Madexweynaha”Madasha waxii ka soo baxa xilidhibaanada ayaa la hor keenaa”

Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in go’aanada ka soo baxa Shirka hogaamiyayaasha Soomaaliya  la horgeenayo baarlamanka Soomaaliya.

Madexweyne Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xilidhibaanada dowladda Soomaaliya in ay tala ku yeeshaan kulamada looga hadlaayo doorashada Soomaaliya ee kasoconaaya muqdisho.

Madexweynah Soomaliya ayaa sheegay sababta loo horgeenayo in ay tahay in qodobada kasoo baxa ay wax ka badal kusameeyaan maadaam ay baarlamaanku yihiin golaha sharci dajinta.

Madexweyne xasan sheikh ayaa hadalkan ka sheegay ka dib markii uu shalay daahfuray kala fadhigii 8aad ee baarlamaanka soomaaliya.