DHAGEYSO: Xilidhibaano baaq u jeediyay hogaamiyaasha Soomaaliya.

Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa baaq u jeediyey hogaamiyaasha soomaaliya ee shirka uga socdo magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya.

Xilidhinaanada ayaa ugu baaqay madexda Soomaaliya iyo maamul goboleeyada in ay ilaaliyaan dastuurka dalka ayna soo saaraan qodobo waafaqsan sharciga dalka.

Sidoo kale waxay sheegeen ay muhiim tahay in ay ka hadlaan mowduuc dalka qusaaya oo wax kabadalikara dalka islamarkaan looga baahanyahay in ay xil isa saaraan.

Mudanayaasha ayaa sheegay in waxii kasoo baxa madasha qaran loo horgeeni doono golaha shacabka soomaaliyeed matala ee baarlamaanka  soomaaliya islmarkaana ay aysan aqbalidoonin wax aan dastuurka waafaqsanayn.