Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay shaacisay in ay bilowday isla xisaabtanka dhanka Hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya.
Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Amniga dowladda Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa waxa uu sheegay in si adag loola xisaabtamaayo Hay’adaha Amniga Sida Hay’adda Nabad Suggida iyo sidoo kale Ciidamada Booliska.
Waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Hay’adaha Amniga ay gutaan waajibaadkooda Shaqo , islamarkaana laga doonaayo in ay si hufan bulshada ugu shaqeeyaan.
Dhanka kale waxaa uu xusay in si weyn loo xoojiyay Wada shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha kala duwan ee Amniga.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in Hay’adaha Amniga ay u diyaarsan yihiin Xaqiijiyaan Amniga si loo xasiliyo Caasimadda.



