Kulan ay maalinta berri ah xildhibaanada Soomaaliya ay ku lahaayeen xarunta golaha shacabka ayaa baaqday kadib markii lagu dhawaaqay in shaqaalaha dowladda Soomaaliya ay labo maalin oo fasax ah la siiyay munaasabada 1-da May awgeed oo maanta ku beegan.
Waxaan qadka telefoonka kula xiriirnay xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in kulanka uu baaqday maalinta berri ah oo Isniinta, iyadoo laga dhigay maalinta Talaadada ah.


