Boosaaso-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu qabtay Kulan looga hadlayay amaanka, waxaana kulankaas goob joog ka ahaa qeybaha kala duwn ee saraakiisha Amaanka gobolka Bari, Wasiirka Amniga maamulka Puntland iyo Gudiga Amaanka gobolka.
Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa markii uu soo idlaaday waxa uu la hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta Amniga, ka hadalka waxyaabaha amaan xumida keena dhaqaq dhaqaqyada iyo waxyaabaha sharci darada ah ee Bishan Ramadaan.
Wasiir Qarjab ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Puntland ay heegan ugu jiraan sidii la isaga ilaalin lahaa weerarada Al-shabaab ay geystaan Bisha Ramadaan.
Waxa uu sido kale tacsi ka diray geeridii dhowan ku timid gudoomiyihii ururka Haweenka gobolka mudug Dhudi Yuusuf oo ay kooxo hubeysani ku dileen magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.
Wasiir Qarjab ayaa ugu dambeyn waxa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada maamulka Puntland, si looga hortago falalka amni daro.


