DHAGEYSO: Kulan lagu taageerayay go’aankii Maxkamada Sare ay ku laashay 8 kursi

Muqdisho-RisaalaFM- Kulankan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen 8 ka mid ah Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Maxkamada sare u gudbiyay dawcad ka dhan ah Doorashooyinka Golaha Shacabka ee dalka ka dhacay ayaa waxa ay kulankooda ku taageereen go’aanka Maxkamada Sare ka soo baxay ee ahaa in dib loogu celiyay kuraasta uu muranka ka taagnaa.

Waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in dadaal dheer kadib ay ku guuleysteen in Tartan lagu wada qanacsan yahay oo cadaalad ah loogu laabto kuraasta 8 ah ee muranka uu ka taagnaa oo ay sheegeen in si Musuq Maasuq ah loogu guuleystay.

Marwo Caasho Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in hada Soomaaliya ay cagta saartay wadadii Cadaalada iyo ka hortaga Musuq Maasuqa, sidoo kale waxa ay u mahad celisay Maxkamada Sare.

Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay in go’aanka Maxkamada Sare uu yahay mid Cadaalad ah islamarkaana ah mid ay sharci ah oo ay xaq u leedahay in ay dhibanayaasha difaacdo.

Maxkamada Sare ayaa dhawaan go’aan ka soo baxay waxaa lagu laalay 8 kursi oo ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa amartay in kuraastaas dib loogu tartamo, maadaama Doorashadoodii hore ay khilaafsaneyd nidaamka Doorashooyinka dalka.