Paris Saint Germain oo war rasmi ah kasoo saartay mustaqbalka macalin Unai Emery

Madaxweyanaha kooxda PSG Nasser Al-Khelaifi, ayaa ku adkeystay in uu kooxda sii joogi doono Unai Emery xilli ciyaareedka dambe.

Ka dib markii ay xalay kooxdiisa ku guulaysatay Coupe de France, markiii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Angers, Al-Khelaifi ayaa ka hadlay mustaqbalka macalin Unai Emery.

“qof walba waxa uu ka hadlayaa Unai Emery, waxaan aqriyay wargeysyo badan oo qoraya in aan doonayno macalimiin badan, balse taasi waxba kama jiraan, Emery waxa uu rabaa in uu kooxda sii joogo boqolkiiba laba boqol” ayuu yiri madaxweynaha kooxda PSG.

“waxa uu rabaa in uu inala shaqeeyo anaga, waana uu inagu faraxsan yahay,anaga waan ku faraxsanahay isaga, xili ciyaareedka dambe waxan rajeynayaa in uu inoo noqdo mid wanagsan.”

“ma inoo ahayn xilli ciyaareed sahlan, waxaan ku guuldaraysanay koobabka Champions League iyo  Ligue 1 “.ayuu hadalkiisa raaciyay Al-Khelaifi

Kooxda PSG ayaa ku guuldaraysatay xilli ciyaareedkaan in ay ku guulaystaan horyaalka Ligue 1 France.