DHAGEYSO: Barnaamijka Afuri oo hel laba Ajar iyo dhaqaalalii shalay la aruuriyay

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maalinkii labaad galay Barnaamijka Afuri walaalkaaga oo hel laba Ajar, kaasi oo ay qabaneyso Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.

Barnaamijkan oo bilwoday shalay oo aheyd maalinka koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa lagu uruuriyay lacag dhan 329 Dollar, taasi oo ay bixiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ku xiran Idaacadda Risaala kuna kala sugan dalka iyo dibaddiisa, maadaama Risaala meel walba laga dhageysan karo.

Maslax Cabdi Axmed oo ka mid ah saaxiibada ku xiran Risaala oo ku sugan dalka Farasiiska ayaa shalay ku bixiyay Barnaamijaka Afuri oo hel laba Ajar lacag dhan 100 Dollar, taasi oo uu ugu tala galay walaalaha aan iska bixin karin Afurka.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Maxamed C/wahaab C/laahi oo faah faahiyay sababta keentay in la baahiyo Barnaamijkan ayaa waxaa uu sheegay in sanadkaan Risaala ay doonayso in la garab istaago dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen ee ku soo barakacay Gobolka Banaadir, kuwaasi oo aan heysan wax ay ku afuraan, Bisha Ramadaan-na lagu guda jiro.

Qaar ka tirsan Wariyeyaasha Risaala oo booqday xerooyin Barakacayaal ah oo ku yaalla Duleedka Muqdisho ayaa warbixino ka soo dhageystay dadka halkaasi ku dhibaateysan, waxaana dadka qaar oo Risaala la hadlay ay sheegeen in ay soomaan, iyaga oo aan meelna waxba ku ogeyn.

Dhanka kale Shirkadda Cad-ceed Group oo ah shirkad keenta dharka caruurta ayaa balan qaaday in ay bixineyso Abaalmarinada iyo Gaari raaca caruurta ka imaaneysa Duleedka Muqdisho ee Barakacayaasha ah, kana qeyb galaya Tartanka Qur’aan Akhriska Caruurta ee Risaala.

Maalinta beeri ah ayaa la soo bandhigayaa dhaqaalaha lagu aruuriyay Barnaamijka Afuri walaalkaaga oo hel laba Ajar ee maanta baxay.