Ujeedka Munaasabadaan ayaa ahayd mid taageero loogu muujinaayay Maamul goboleedka Cusub HirShabeelle, sidoo kalena lagu taageeraayay Xubnaha aqalka Sare ee HirShabeelle ee dhawaan lagu doortay Magaalada Jowhar.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Puntland iyo Masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in loo baahan yahay in Xildhibaanada Aqalka Sare ee HirShabeelle iyo Madaxdooda loogu baahan yahay iney ka shaqeeyaan hormarka labada gobol.
Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan dhismaha Wadooyinka burbursan ee dhex mara labada gobol ee Hirshabeelle uu maamulo iyo Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.
Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo cadeyn lahaa maqaamka Gobolka Banaadir.
Wasiir Odawa ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la hormariyo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.


