Doorashada Aqalka Hoose ayaa maanta markale waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug .
Afhayeenka Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug Yuusuf Diiriye Axmed ayaa sheegay in maanta ay doorashadu ay ka dhicidoono Cadaado.
Waxaa uu sidoo kale Afhayeenka guddiga doorashooyinka uu ugu baaqay musharaxiinta u taagan Qabashada Aqalka Hoose in ay ilaaliyaan nidaamka .
Waxaa uu sidoo kale sheegay in kursiga ay leeyihiin dumarka aysan Aqbali doonin in uu isku soo taago qof rag ah.


