Wasiirka Wasaarada hubka dhigista iyo Maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay ammaanka deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ay gacanta ku hayaan deegaanka Goofgaduud, waxaana uu sheegay in ay been abuur yihiin wararka Sheegaya in ciidamo ka tirsan Shabaab ay gacanta ku hayaan.
Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay si buuxda u maamulaayaan gacan ku heynta deegaanka Goofgaduud.
Dhawaan sawirro ay soo dhigeen baraha bulshada dagaalyanada Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in ay gacanta ku hayaan deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay.


