Alexis Sanchez Oo Hakiyay Wadahadalkii Arsenal Iyo Man City Oo £ 50million Ku Dooneysa

Alexis Sanchez hadii uu ku guuldareysto inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal waxaa uu £ 50million ugu biirayaa midkood kooxaha Manchester City iyo Juventus.

Xiddiga reer Chile ayaa qaab ciyaareed fiican ka sameeyay kooxda Gunners xilli ciyaareedkan, waxaana uu doonayaa in loo kordhiyo musharkiisa isbuuclaha ah kaasoo hadda ah £ 130,000 todobaadkii.

Sanchez, oo 27 sanno jir ah, ayaa hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa kooxda Arsenal oo dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan,

Arsenal ayaa ka dooneysa inuu saxiixo heshis cusub oo saddex sano kaasoo lagu kordhin doono qandaraaskiisa.

Wadahadalo ayaa socda tan iyo bishii August laakiin go’aan lagama gaarin musharakiisa wali.

Xaqiiqada ah in heshiis uusan saxiixin wali ayaa ka dhigan in damac uu soo galo kooxaha Juventus iyo City.