Wararka naga soo gaaraya Magaalada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu qabtay kulan looga hadlayay Xaqiijinta Ammaanka degmooyinka gobolka Bakool.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada , Mas’uuliyiinta gobolka Bakool iyo sidoo kale taliyeyaal Ciidan.
Intii uu kulanku socday ayaa diirada lagu saaray Wada shaqeynta ka dhaxeysa Bulshada iyo sidoo kale maamulka gobolka Bakool, gaar ahaan Magaalada Xudur.
Taliyaha Ciidamada Saldhiga degmada Xudur ayaa Saxaafadda u Faahfaahiyay waxyaabihii kasoo baxay kulankaasi.


