DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo ka hadashay Dagaalo ay la galeen Shabaab

Beydhabo-RisaalaFM- Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay socdaan qorsheyaal ay kula wareegayaan deegaanada ay ciidamada AMISOM ka saareen Shabaab.

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in deegaanada laga saaray Al-Shabaab ay la Wareegayaan ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Maamulka Koonfur galbeed.

Wasiirka ayaa xusay in uu meel wanaagsan uu marayo howlgalka Al-Shabaab looga saarayo deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay kaga sugan yihiin islamarkaana la soo afjari doono dhowaan.

Maalmihii dambe ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool ka dhacayay howlgalo ay sameynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana howlgaladaasi ujeedkoodu uu ahaa sidii Al-Shabaab laga saari lahaa deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.